YAA KEENA? Somalia cunaqabatayn ayaa saaran qoriga Sebenka ihina wuxuu ka joogaa qiime 3 jeer ka jaban inta uu Suuriya ka joogo?

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2019 – Gantaalka garabka lagu qaato ee ruushku farsameeyo ee loo yaqaan RPG ama baasuuke waxa uu ka mid yahay hubka halista badan ee soomaaliya yaala islamarkaana shabaabku aad u isticmaalaan gaar ahaan marka ay weerarada tooska ah qaadaan.

Garneylka qarxa ee lagu xiro qorigan waxaa sida la ii sheegay halkii xabo uu soomaaliya ka joogaa qiimo gaaraya $130 halka wadamada qaar oo ay colaadaha ka jiraan sida Suuriya uu ka joogo $500.

Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateyn hubka ah. Haddaba yaa dalka soo geliya hubka RPG iyo kuwa kale oo siiya qolyaha dowladda la dagaallamaya sida Shabaab, xilli aysan Somalia xitaa ciidamadeeda qalabayn karin cunaqabataynta darteed?

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media