Sucuudiga oo si qarsoodi ah NUKLIYEER u samaysanaya (Dokumentiyo sir ah oo la helay!)

0

(Riyaad) 29 Maarso 2019 – Wasiirka Tamarta Maraykanka ee Rick Perry ayaa la sheegayaa inuu ogolaaday in dalka, sida ku cad dokumenti qarsoodi ah oo ay heshay wakaalad wareedka Reuters.

Maamulka Trump ayaa horay u muujiyay inay diyaar u yihiin in ay tiknolojiyadda la xiriirta tamarta nukliyeerka ay la wadaagaan Sucuudiga Carbeed, si loogu dhiso ugu yaraan laba wershadood.

Ogolaanshaha Perry ayaa qayb ka ah qorshaha Part 810, kaasoo dhigaya in shirkadugu ay howlo hordhac ah la qaban karaan balse aan la daabulin agabka iyo shidaalka nukliyeerka ilaa laga ansixiyo, sida uu Reuters u sheegay qof is qariyay.

Dhaxlsugaha Boqortooyadaasi Mohammed bin Salman ayaa sanadkii tegey CBS u sheegay inay samaysanayaan hubka nukliyeerka haddii ay Iiraan samaysato.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa sheegay in aanay marna Sucuudiga u ogolayn hubkaasi.

“Tiknolojiyadda nukliyeer ee aannu siinayno Sucuudiga waa mid rayid,” ayuu yiri Will Saetren, oo ah xeeldheere amaanka nukliyeerka, oo la hadlay Al Jazeera.

Hadalsame Media