RW Theresa May oo markale lagu bahdiley Baarlamanka Britain & Brexit oo baxar wayn ku jira!

0

(London) 29 Maarso 2019 – RW Britain ee Theresa May ayaa la sheegayaa in qorsheheedii Brexit ayaa maanta ceel kusii dhacay – iyadoo ay xubnaha ku kacsan ee isla xisbigeedu ay durba ku baaqayaan inay xilka ka degto – kaddib markii heshiiskeeda lagu diidey 58 cod.

RW May ayay iminka u muuqataa inay ku dhawaaqi doonto doorasho guud oo hormaris ah kaddib markii ay gidaarka soo taabatay.

Mrs May ayay xitaa baryo ka gaartey iyo aqalka hoose ee House of Commons ‘ka bariday’ inay u codeeyaan heshiiska ay la gaartey Brusells, balse waxaa heshiiskaa lagu diidey 344 maya iyo 286 – waana diidmo aqlabiyad ah oo dhan 58 cod.

Britain ayaa iminka wajahaysa ugu yaraan laba todobaad oo kale oo foowdo ah, iyadoo Isniinta ay xildhibaannadu isku dayi doonaan inay helaan kala bax debecsan ”soft Brexit.”

Yeelkeede, May ayaa ishaartay in aysan doonayn inay Britain Yurub ka saarto heshiis la’aan, sidaa darteed, haddii aan heshiis ka iman baarlamanka kahor Abriil 12, waxay codsan doontaa in dib loo dhigo oo loo kordhiyo xilliga geeddi socodka Brexit.

Ha yeeshee, waxaa sidoo kale miiska saaran oo waxyaabaha dhici kara ka mid ah in la qabto afti 2-aad oo ku celis ah oo laga qaado shacabka Britain.

Si kastaba sumcadda Britain ayaa aad hoos ugu dhacday qorshaha Brexit kaddib markii ay siyaasad cad la iman waayeen kaddib aftidii ay 2 sano kahor ku go’aansadeen inay Midowga Yurub ka baxayaan.

Hadalsame Media