QM oo markale Kenya uga digtey celinta qaxootiga Soomaaliyeed (3 qodob oo lasoo jeediyay)

0

(Nairobi) 29 Maarso 2019 – Hay’adda QM ugu qaybsan maaraynta qaxootiga ee UNHCR ayaa Kenya uga digtey celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab, taasoo ay sheegeen inay uga dareeyso xaaladda aadminnimo ee Somalia.

UNHCR ayaa ganafka ku dhufatay doodda ay Kenya dib usoo noolaysay iminka ee ku saabsan in ay xireeyso xerada Dhadhaab, halkaasoo ay ku nool yihiin 230,000 oo qof.

Dana Hughes, oo ah afhayeen goboleedka hay’adda UNHCR ee Bariga Afrika, ayaa hoosta ka xarriiqday inay tani horay u dhacday balse aysan mira dhalin.

UNHCR ayaa sheegtay inay Kenya ku cadaadinayso in xal waari kara muddo dheer loo helo qaxootigan.

Waxaa xalka ka mid noqon kara 3 tillaabo; in dal 3-aad dib u dejin looga helo, in qoysaskoodii lala mideeyo kuwa dibedda dad u jiraan iyo in la siiyo dhalashada Kenya oo ay ka mid noqdaan shacabka Kenya.

Ms Hughes oo VOA telefoonka ugu warrantay iyada oo ku sugan Uganda, ayaa sheegtay in ay haatan halis tahay oo aan laga baaraandegi karin in qaxootigan Somalia lagu celiyo.

Hadalsame Media