Hazard oo ka hadlay kooxda sanadkan hanan karta Koobka Horyaallada Yurub (Waa kooxdee?)

0

(London) 29 Maarso 2019 – Laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa fikirkiisa ka dhiibtey kooxda uu sanadkan aaminsan yahay inay qaadayso CL.

Cristiano Ronaldo ayay dhici kartaa inuu dhaawac ku seego lugta hore ee rubuc-dhamaadka CL ee ay la leeyihiin Ajax balse Eden Hazard, oo ay dhici karto inuu Real Madrid u buuxiyo booskii CR7 ayaan shaki ka qabin xiddigga xilligan.

“Cristiano Ronaldo ayaa sanad kasta qaadayay beryihii dambe, waana adag tahay in laga qaado.” ayuu yiri isagoo la hadlayay ‘HLN.’

“In la noqdo sida Ronaldo? Way fiicnaan lahayd in la gaaro heerkiisa hufnaanta leh. Way fiicnaan lahayd,” ayuu daba dhigay Hazard.

Hadalsame Media