Diiwaangelinta ciidamada Qalabka Sida oo Muqdisho ka socota + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Maarso 2019 – DF Somalia ayaa xoowli ku wadda diiwaangelinta ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeer ku tegey goobaha ay ka socdaan Diiwaan gelinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si wax looga qabto habacsanaanta dhanka amaanka ah iyo musuqa.

Wasiir Beyle ayaa ka hadlay sababta ay qorshahan ugu dhaqaaqeen iyo muhiimadda ay u leedahay hirgelinta ahdaafta DF Somalia.

“Maanta Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargalin ku wada diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena, si aan ugu adeegno dalkeenna” ayuu yiri Wasiir Beyle

Qorshaha diiwaangelinta ciidamada ayay doodo ka yimaadeen iyadoo la sheegay inay jiraan askar badan oo mushaharooyin qaata iyagoon wax shaqo ah u haynin dowaldda iyo magacyo been abuur ah oo sidoo kale lacago lagu qaato.

Waxaase sidoo kale dowladda lagu dhaliilay xilliga ay kusoo beegeen diiwaangelinta iyo sidoo kale inaysan ciidamadu mushahar qaadanin muddo 3-4 bilood ah.

“Hannaanka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Si wadajir ah waa innaa ugu adeegnaa dadkeena” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

Hadalsame Media