DAAWO: ”Ma ogoli inuu xitaa i daweeyo qof Muslim ah!” – Haweenay siyaasi ah oo laga saaray Golaha Degaanka Montreal

0

(Montreal) 28 Maarso 2019 – Duqa magaalada Montreal, Canada, ayaa golaha degaanka ka cayriyay haweenay ku doodday inay ka xumaan lahayd inay dawayso haweenay Muslim ah oo xijaab xiran.

Anjou Mayor Luis Miranda ayaa sheegay inuu Golaha Degaanka ka eryey haweenayda Lynne Shand iyadoo noqon doonta qof hadda kaddib madax bannaan oo aan xisbigiisa maxalliga ah ka tirsanayn.

Shand ayaa cambaarayn badan kala kulantay shacabka iyo dowladda hoose kaddib markii ay todobaad dhamaadkii sheegtay inay aad uga xumaatay inay dawayso oo ay baaritaan isha ah ku samayso haweenay Muslim ah oo xijaaban.

Way sii hadashoo waxay sheegtay inaysan ogolaateen haddii aysan xasaasi ahayn, iyadoo ka hadashay moowduuc kaba baxsan dooddeeda oo ah inay Muslimiintu diintooda ka hirgelinayaan guud ahaan Quebec maadaama ay tiro badan kusoo galeen, isla markaana ay aad u ilmo dhalaan.

Haweenaydan ayaa kaddib markii dacwo laga gudbiyay iminka si rasmi ah looga saaray Golaha Degaanka Montreal.

Hadalsame Media