Xulka Talyaaniga oo xalay dhigay arrin aan dhicin 57 sanadood

0

(Roma) 27 Maarso 2019 – Talyaaniga ayaa xalay gaarey guul aysan gaarin ku dhowaad 57 sanadood, tiiyoo aysan 6 gool hal ciyaar ka dhalinin muddo 26 sano ah.

Xulka Azzurri ayaa xalay 6-0 ku xaaqay Liechtenstein oo ay isku arkeen isreebreebka Euro 2020 ciyaar ku qabsoontay Stadio Tardini ee Parma.

Waxaa la yaab lahayd in ciyaartaa kahor aanu xulka La Nazionale uusan dhalilin wax ka badan 2 gool ciyaartiiba, waloow ay ciyaar aad loola dhacay iyo dhallinyaro soo bandhigeen kulamadii dambe.

Kaaga darane, ciyaartii ugu dambaysay ee ay laba gool ka badan dhaliyeen waa kulan ay 5-0 uga badiyeen isla Liechtenstein oo ay ciyaarayeen isku aadkii KA2018 bishii Juun 2018.

Talyaanigu 6 gool ma dhalinin tan iyo kulankii ay Malta 6-1 uga badiyeen isreebreebkii KA94, bishii Maarso 1993, goortaasoo uu Arrigo Sacchi laylinayay.

Yeelkeede, 6-0 waa guushii ugu waynayd Talyaaniga tan iyo Diseembar 1962-kii oo ay 6-0 direen dalka Turkey.

Sidoo kale, waxaa ka hagaagey dhanka xulka Roberto Mancini ma aha goolasha oo qura, balse 5 kulan oo xiriir ah wax goolal ah lagama dhalin xulka Azzurri, taasoo ah arrin aan dhicin tan iyo Juun 2005 markaasoo uu wadey Marcello Lippi oo sanadkii xigey qaaday KA2006.


Hadalsame Media