SAWIRRO: Hindiya oo noqotay dalkii 4-aad ee yeesha gantaalaha Lidka-Satellite-ka (Wax ka baro sooyaalka hubkan)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2019 – Dalka Hindiya ayaa tijaabiyay gantaalkii ugu horreeyay ee lid-satellite ah ee ay iyadu farsamayso, kaasoo sidoo kale dili kara walax kasta oo wareegaya ama gaaf meeraya hawada sare.

Hindiya oo leh barnaamij heerkiisu sarreeyo oo Hawada Sare ah, kuwaasoo ay ku jiraan farsamaynta meelaha laga tuuro gantaalaha xambaara satellite-yada iyo farsamaynta satellite-ka laftiisa, kuwaasoo loo kala dirayo koowkabyo ay ka mid yihiin Bisha iyo Mars, ayaa midkan maanta tijaabisey, sida uu shacabka Hindiya ugu bishaareeyay RW Narendra Modi.

ADEEGSIGIISA DIFAAC AHAAN

Gantaallada Lidka Satellite-ku waa hub istaraatiji ah oo looga gol leeyahay in lagu burburiyo satellite-yada hawada sare heehaabaya ee ay cadowgu leeyihiin, si ay xogo uga ururiyaan dalkii ay markaa is hayaan.

Waxay kaloo satellite-yadu ku tooran yihiin inay gacan ka gaystaan qabashada gantaalaha cadowga iyo tashwiish gelinta isgaarsiintooda.

Sidaa darteed, inuu dal burburin karo satellite hawadaa fog heehaabaya, si meesha looga saaro xogahaa xasaasiga ah ee uu dirayo, waxaa loo arkaa awood ciidan oo heer sare ah, waxaana iminka dalalka awooddaa leh oo fara ku tiris ah ka mid ah Maraykanka, Ruushanka, Shiinaha iyo Hindiya oo iminka ku biirtay.

Dalalka deriska la ah sida Pakistan, oo ay bishii hore dagaallo cirka ah oo kooban is dhaafsadeen Hindiya oo dhowr satellite hawada u dirtay iyadoo kaashanaysa tiknolijiyadda Shiinaha iyo Ruushka, iyo Shiinaha oo daraasiin satellite-yo ah hawada u diray sanadkii hore ee 2018 ayaa ka mid ah dalalka ka welwelsan khabarkan.

TIJAABOOYINKII HORE

Dalka Maraykanka ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay taariikhda ee tijaabiya gantaal ah nooca Lidka-Satellite-ka, sanaddii 1959-kii, waxaan se ka haray Soofiyeetkii hore oo 1960 ilaa 70-kii isna tijaabiyay.

Sanaddii 1985-kii, Maraykanka ayaa tijaabiyay gantaal la yiraahdo AGM-135, oo laga ganay dayuurad F-15 ah, kaasoo lagu burburiyay satellite uu Maraykanku lahaa oo la oran jirey Solwind P78-1.

Waxaana tijaabo noocaas ah laga nastay 20 sanadood.

Yeelkeede, 2007-dii, dalka Shiinaha ayaa hardanka soo galay, isagoo gantaalaha noocan ah ku burburiyay satellite gabow ah oo nooca saadaasha hawada ahaa, ha yeeshee, wuxuu ahaa midkii ugu halis badnaa waayo waxaa Hawada Sare ku haray ilaa 300,000 oo walxood oo ah burburkii ka dhashay satelitte-kaas, sida ay sheegtay Secure World Foundation, oo ah hay’ad u dhaqdhaqaaqda in aan la kharribin amaanka Hawada Sare.

Sanadkii xigey, Maraykanka ayaa sameeyay howlgal uu ku naynaasay Operation Burnt Frost, isagoo gantaal nooca satelitte dilaha ah oo bad-ka-cir ah oo la yiraahdo SM-3 ku duqeeyay satellite shaqayn waayay oo basaas ahaa oo uu isagu lahaa.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media