Mourinho oo ka hadlay laba arrimood oo uu weli ku haminayo (Waa maxay?)

0

(London) 27 Maarso 2019 – Macallin Jose Mourinho ayaa ka hadlay hankiisa ku aaddan inuu dib ugu soo laabto maaraynta kooxaha, sida ugu dhaqsaha badan.

Macallinkii hore ee Manchester United oo kooxdaa laga eryey kaddib markii uu dhigay rikoodhka bilowgii abid ugu xumaa ee ay kooxdaasi ka samayso EPL, ayaa sheegay inuu doonayo inuu shaqada laylinta kusoo laabto bisha Juun, kaddib markii uu diidey “seddax ama afar” dalab oo loo soo bandhigay.

Mou ayaan qarinin ujeedkiisa isagoo muujiyay inuu weli ku taamayo guulo heer qaran ah iyo kuwo heer qaaradeed ah sida horyaal dal iyo Champions League.

“Waxaan maanka ku hayaa inaan hanto horyaalkaygii 5-aad iyo koobka Champions League oo aan la qaado kooxdii 3-aad,” ayuu Mourinho u sheegay hilinka Canal+.

Hadalsame Media