”Milan waa naadi qara wayn!” – Laacibka Everton oo qish bixiyay

0

(Prague) 27 Maarso 2019 – Xiddigga soo baxaya ee reer Brazil ee Everton Soares ayaa qortay inuu aad ugu ”faraxsanaan lahaa” ku biiritaanka kooxda AC Milan.

Everton iyo Paqueta ayaa xalay Brazil ka caawiyay inay 3-1 ku garaacaan xulka Czech Republic, iyadoo uu garab-weerarka Gremio uu farxad kusoo dhoweeyay wararka sheegaya inuu xagaaga Milan ku biiri karo.

“Aad baan ugu faraxsan ahay xiisaha Milan. Waa koox aad u wayn dhanka Yurub. Waxaan arkaynaa halka ay wax maraan,” ayuu 23-jirkani u sheegay Sport Medaiset.

“Maxaanan u noqon karin mid ku koox ah Paqueta? Badanaa waan la kaftamaa, anigoo u sheegaya in haddii ay wax kasta hagaagaan, aannu isku koox noqon karno.” ayuu yiri iyadoo uu Paqueta haatan u safto kooxda Milan oo uu kusoo biiray bishii Jannaayo.

Warka Everton ayaa qayb ahaan u dhadhamaya inuu jiri karo wada xaajood u socda isaga, kooxdiisa iyo Milan.

Hadalsame Media