”Ma adigaas loo haysto musuqa & laaluushka!” – Ilhaan Cumar oo ka jawaabtey duurxulkii Netanyahu

0

(Washington, DC) 27 Maarso 2019 – Isagoo AIPAC ugu khudbaynaya khadka satellite-ka isagoo Israel jooga, RW Benjamin Netanyahu ayaa kaftan qanjiiris ah u diray Ilhaan Cumar oo horay u dhaliishay ururka AIPAC.

Waxay ka imanaysaa Benjamin-kan, balse ma wada khuseeyso Benjamin-da oo dhan,” ayuu ku kaftamay Netanyahu, isagoo tixraacaya tweet-kii muranka badan laga dhaliyay ee aadka loo karis dhaafiyay ee ay Ilhaan Cumar qortay bishii Febraayo.

Ilhaan ayaa Twitter-ka kusoo jawaabtey in yar kaddib, iyadoo diiradda saartay iimaha Netanyahu sida musuqa iyo laaluushka, iyadoo sheegtay inuu qiyamkii kharash ka doortay, dembiyo badanna faraqa loo haysto.

Hadalsame Media