Isku aadka Koobka Horyaallada Caalamka (ICC) oo lasoo saaray (Sidee la isu arkayaa?)

0

(New York) 27 Maarso 2019 – Waxaa lasii daayay isku aadka Koobka Horyaallada Caalamiga ah ee International Champions Cup oo aalaaba xagaaga la ciyaaro.

Sidii la filayay, Juve ayaa ciyaareheeda sanadkan u weecisey dhanka Aasiya, iyadoo dabcan sidaa u yeelaysa ka baxsiga dacwadda kufsiga la xiriirta ee loo haysto jookarkeeda Ronaldo, waxayna kulanka ku ciyaaraysaa Singapore.

Yeelkede, Juve ayaa arrintaa qayb ahaan dafiraysa iyadoo ku doodday inay sanadkan Aasiya u weecanayso kaddib dhowr xagaa oo ay Woqooyiga Ameerika ka dheeshey.

Kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa wada arkaya kooxda Man United, halka Tottenham Hotspur oo koobka sidata ay Juve iyo Inter is arkayaan.

Isku aadka International Champions Cup 2019 (Amintu waa BST)

Luulyo 17: Roma-Guadalajara (Bridgeview, USA, 01:00)

Luulyo 18: Arsenal-Bayern Munich (Carson, USA, 04:00)

Luulyo 20: Manchester United-Inter (Singapore National Stadium, 11:30), Arsenal-Roma (Charlotte, USA, 21:00), Benfica-Guadalajara, (Santa Clara, USA, 23:00)

Luulyo 21: Bayern Munich-Real Madrid (Houston, USA, 01:00), Juventus-Tottenham Hotspur (Singapore National Stadium, 10:30)

Luulyo 24: Real Madrid-Arsenal (Landover, USA, 00:00), Bayern Munich-Milan (Kansas City, USA, 02:00), Guadalajara-Atletico Madrid (Arlington, USA, 02:00), Juventus-Inter (China, 11:30)

Luulyo 25: Roma-Benfica (Harrison, USA, 00:00), Tottenham Hotspur-Manchester United (Shanghai, China, 11:30)

Luulyo 26: Real Madrid-Atletico Madrid (East Rutherford, USA, 23:30)

Luulyo 28: Milan-Benfica (Foxborough, USA, 20:00)

Agoosto 3: Manchester United-Milan (Cardiff, Wales, 17:25)

Agoosto 4: Tottenham Hotspur-Inter (London, England, 15:00)

Agoosto 10: Atletico Madrid-Juventus (Stockholm, Sweden, 15:00)


Hadalsame Media