DIGNIIN: Qaraxyo la sheegay inay ku wajahan yihiin bartilmaameedyo ku yaalla Muqdisho!

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2019 – Waxaa laga digayaa qaraxyo ay dhici karto in lagu weeraro bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo u badan goobo ay joogaan dad rayid ah oo biri ma gaydo ah.

Sida uu sheegay weriyaha CabdiCasiis Maxamed Guuleed waxay digniintani ka timid dhanka QM, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan:

”Xafiiska Howlaha Qaramadda Midoobay ee Somalia u qaabilsan Ammaanka wuxuu faafinayaa Digniino la xiriiro suurtagalnimadda qaraxyo ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo lala beegsan karo Hoteello iyo goobo kale oo la isugu yimaado.”

GOORMA AYAY DHICI KARAAN?

”Weerarradan ayaa dhici kara Arbacadda Maanta ah, illaa iyo Sabti, waxaana ku jira Baabuurta Qaraxyadda ah mid Xamuul ah oo sida Qarax Tankiisu wayn yahay.
Illaa iyo 4 Gaari oo Qarax ah ayeey Digniintu sheegaysaa inay soo galeen Magaaladda Muqdisho, kuwaasoo la aaminsan yahay in lala beegsan doono Hoteelo aan la magacaabin.”

Waa sidee isku halleeynta xogtani?

”UNDSS oo xogtan qaybinayay waxay sheegeen inaysan xaqiijin karin sax ahaanta Xogtan.”

Si kastaba, waxaa mar kasta hay’aadka sirdoonka DF lagu dhaliilaa habacsanaan, qorshe la’aan iyo inaysan u darbanayn wax ka qabashada amaanka.

Qaabka ay hay’adaha Xamar jooga u wajahayaan digniinaha qaraxyada ayaa laftooda fari ku jirtaa oo ay dadka amaanka lafa guraa sheegayaan inay amaan darrada ka qayb qaadato.

Hadalsame Media