DAAWO: Gabar Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigtay KEDIS Carbeed oo caan ah!

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2019 – Gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Sahra Xuseen Caamir ayaa wacdaro ka dhigtay kedis Carbeed oo la yiraahdo ”Yaa milyan ku guulaysanaya?”.

Sahra waa gabar ku dhalatay Imaaraadka Carabta oo ay sidoo kale wax ku baratay, waana hooyo carruur leh.

Sahra ayaa gebi ahaanba ka jawaabtey su’aalihii la waydiiyay xitaa kuwii ay ka shakisanayd sida mid ku saabsanayd inta sano ee uu Faransiisku gumaysanayay dalka Aljeeriya, taasoo ahayd 132 sanadood.

Barnaamijkan oo beri qabsaday suuqa madadaalada Carbeed ayaa la oran jirey من سيربح المليون waaxana xiriirin jirey weriyaha caanka ah ee reer Lubnaan ee George Qurdahi (جورج قرداحي), waxaana oodda laga rogey fasalkii 2000.

Hadalsame Media