Wasiirka Arrimaha Gudaha DF oo Dhuusamareeb gaarey + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 26 Maarso 2019 – Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlada goboleedka Galmudug.

Waxaa ku soo dhaweeyeey garoonka diyaaradaha magaaladaasi mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Wasiirka ayaa loo badinayaa inay la xiriirto khilaafka maamulkaasi kala dhexeeya DF Somalia iyo arrimo ku saabsan doorashada ay DF doonayso inay halkaa uga qabsoonto bisha Luulyo, halka madaxda maamulkaasi ay beri dhowayd sheegeen inay haystaan waqti ka badan midka ay dowladdu sheegayso.

Si kastaba maamulka Galmudug ayaa u baahan badbaadin iyo talo ka toosan midda ay iminka wax ku socdaan, xag dowlad dhexe iyo xag maamulba.

Hadalsame Media