TIRAKOOB: Kooxda AC Milan oo noqotay kooxda ugu da’ yar qaaradda Yurub

0

(Milano) 26 Maarso 2019 – Laacibiiinta kooxda AC Milan ayaa noqday kuwa ugu da’da yar 5-ta horyaal ee ugu waawayn qaaradda Yurub.

Kooxda Gennaro Gattuso ayay celceliska da’deedu noqonaysaa 24 sano iyo 88 maalmood, sida uu faafiyay OptaPaolo oo sameeya tirakoobka ciyaarta kubadda cagta.

Laacibiinta qaarkood ayaaba markii celceliska laga soo tago caadiyan ka da’ yar 24 sanadood: sida qabtaha Gigio Donnarumma (20 sanadood); Paquetà (21); Calabria (22); Kessie (22); Piatek (23); Romagnoli (23).


Hadalsame Media