Ruushka oo suuqa soo dhigay dayuuraddii ugu casrisanayd ee uu Maraykanka kula tartamayo + Sawirro

0

(Moscow) 26 Maarso 2019 – Miigga jiilka 5-aad ee Sukhoi ama Su-57 ayaa la sheegay inuu leeyahay astaamo keeni doona in dibedaha aad looga soo dalbado, sida uu sheegayo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Ruushka, Denis Manturov.

Wasiirka ayaa tibaaxay in Ruushku uu doonayo in ballaariyo saamiga uu ku leeyahay suuqyada caalamiga ah, isagoo xoojinaya barnaamijyo iskaashi oo uu la wado dalka Hindiya oo uu Ruushku u yahay jaalka ugu wayn dhanka dhismaha dayuuradaha.

Bishii tagtay, Madaxwayne Xigeenka hay’adda United Aircraft Corporation (UAC), Ilya Tarasenko, ayaa ku dhawaaqay inay Ruushku suuqyada caalamiga ah u iib gayn doonaan dayuuradda ugu cusub nooca guuxooda ka dheereeya ee Su-57.

Sukhoi Su-57 waa dayuuradda qura ee Ruushku sameeyo ee jiilka 5-aad ah, waxayna leedahay laba matoor iyadoo doorar badan ka dagaallami karta, waxaana dayuuraddan oo aad ugu gacan sarreeya hawada iyo weerar qaadka markii ugu horreeysey hawada lasoo geliyay 2010-kii.

Wuxuu sheegay wasiir Manturov oo la hadlayay INTERFAX, inay iminka kordhayso kalsoonida lagu qabo tayada hubka Ruush sameega ah, taasoo uu sheegay inay asaasi u noqonayso inuu Ruushku ka tartami karo suuqyada dibedda.

Ruushka ayaa dayuuradda kula tarmaya F-35 oo uu Maraykanku sameeyo oo ah mid halis ku ah dhanka ka dhuumashada raadaarka, isla markaana leh muuqaallo kale oo muhim ah casrina ah.

Dayuuraddan ayaa ku hubaysan gantaalaha cir-ka-cir ee R-77 iyo kuwa cir-ka-bad ee markab dilayaasha ah ee Kalibr. Waxaana lagu tijaabiyay dagaalka Suuriya.

Hadalsame Media