”Ma adigaa sidaa leh!” – Maraykanka oo Ruushka faragelin ku eedeeyay & dunidii oo mar qura ku qososhay! (Arag jawaabaha)

0

(Washington, DC) 26 Maarso 2019 – Washington ayaa Ruushka ku karaahsatey arrin iyada caado u ah faragelinta arrimaha gudeed ee dalalka kale, iyadoo sheegtay inaan Moscow loogu dulqaadan karin inay soo farageliso qaybta Galbeed ee dunida.

La Taliyaha caabiska ah ee Madaxwaynaha Maraykanka ee dhanka Amaanka Qaranka, John Bolton oo sidoo kale ka mid ah dagaal oogayaasha ugu waawayn kooxda Muxaafidiinta Cusub, ayaa Twitter-ka kusoo qoray sidatan :

“Maraykanku uma dulqaadan doono in dal shisheeye oo cadaawe ihi uu soo farageliyo qaybta Galbeed oo aan wadaagno yoolal dimoqraadiyadeed, amaan iyo kala dambayn. Xoogga Venezuela waa inay u istaagaan daafaca shacabka Venezuela.”

Wasiir Dibadeedka Venezuela, Jorge Arreaza oo qaadan la’ warka Washington ee ku saabsan foowdaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Venezuela iyo Ruushka ayaa Maraykanka xusuusiyay in “isaga oo dunida ku leh wax ka badan 800 oo saldhig ciidan uu dunida ugu khudbeeyo,” wax ku saabsan faragelin shisheeye.

Hadalsame Media