Itoobiya oo wax ka bedeleeysa naqshadda tuuteheeda (Dhibaato Somalia la wadaagto oo u sabab ah!)

0

(Addis Abeba) 26 Maarso 2019 – Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa isbeddel ballaaran ku samayn doona naqshadda iyo midabka tuutaha ay xirtaan Xoogga dalkaasi, sida uu sheegay Sarreeye Guud Abdurrahman Ishmael, oo ah Maareeyaha Guud ee Jamciyadda Xoogga Dalkaasi.

Jen Abdurrahman ayaa sheegay in ujeedka loo bedelayo naqshadda, tayada iyo midabka tuutaha ay tahay in gacanta lagu hayo naadirnimada tuutaha si buu yiri aysan dembiilayaasha ugu fududaanin inay si sahlan kusoo xirtaan tuutaha ciidamada oo ay deeto dembiyo ku gaystaan, sida uu u sheegan Wakaaladda Wararka ENA.

Jamciyadda Ciidamada dalkaasi, ayaa sida uu qabo Jen Abdurrahman waxay u xilsaaran tahay soo saarista ama soo iibinta tuutaha Millateriga dalkaasi, sida uu qabo xeer ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada dalkaasi oo la yiraahdo qaraarka 179/2010.

Jamciyadda ayaa dalal kala duwan ka xulan doonta tuute ka tarjumaya tayada iyo naqshadda dabooli karta baahida ciidamadooda.

Wuxuu shacabka ka codsaday inay ciidamada kala shaqeeyaan soo qabashada dadka aan xaqa u lahayn ee isticmaala dharka ciidamada.

Arrintan ayaa dhibaato ba’an ku haysa Soomaaliya, waxaana qaybta ugu wayn ka aha ciidamada oo aan lahayn tuute gaar ah, balse xirta kun nooc oo midba meel laga keenay iyo hal il oo uu tuutuhu kasoo boxo oo aan jirin, taasoo ah arrinta ay iminka Itoobiya xallineeyso.


Hadalsame Media