DEG DEG: DF Somalia oo caddaysay mowqifkeeda ku aaddan Golan Heights (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2019 – DF Somalia ayaa caddaysay moowqifkeeda ku aaddan sheegashada Israel ee ah inay iyadu la wareegtey buuraleeyda Golan Heights

DF Somalia ayaa war saxaafadeed kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka dalka ku sheegtay in goosadka Israel ee Golan uu jebinayo Xeerka Caalamka iyo qaraarradii QM ee tirsigoodu ahaa 242 oo soo baxay 1967-kii oo ku beegan goortii ay Israel dhulkaa qabsatay iyo 497 oo soo baxay 1981-kii oo ku beegnayd markii ay Israel ku dhawaaqday inay gobolkaa ku darsatay dhulka ay ka taliso.

DF Somalia ayaa go’aan kasta oo dhulkaa u aqoonsanaya Israel ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin oo sharci darro ah.

Warka DF ayaa kusoo beegmaya jeer ay Somalia ka aamustay qaraar lagu cambaareeynayay haysiga Israel ee Golan, iyo xilli uu Maraykanku ku dhawaaqay in Golan ka mid tahay geyiga Israel, kaasoo ah go’aan aad loo cambaareeyay.

Hadalsame Media