Beesha Caalamka oo taageertay hindise ay keentay DF Somalia (War saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2019 – QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Britain iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay mubaarada dib u habaynta amaanka Somalia ee uu keenay RW dalka Xasan Cali Khayrre, si amaanka wax looga qabto.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xarriiqday inay taageersan tahay isla markaana a dhiirri gelinayso sida ay DF Somalia uga go’an tahay dhaqan gelinta tillaabooyinka asaasiga u ah isbedello amaan, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in wada xaajoodyada arrintan ku aaddani ay kasii socon doonaan shirka Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka IMF oo Washington DC ka dhacaya bisha Abriil ee soo aaddan.

”Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa taageerada farsamo iyo dhaqaale ee AMISOM jeer ay amaanka dalka ku wareejinayso Somalia.” ayay yiraahdeen.

Jaalka Somalia ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan in si buuxda loo hirgeliyo isbedelladaasi oo anfici doona shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Hadalsame Media

Facebook Comments