Wiil Soomaali ah oo xaaskiisii soo diley oo isagoo baxsad ah lagu qabtay gobolka Arkansas

0

(Henderson, KY) 25 Maarso 2019 – Nin reer Kentucky ah ayaa lagu qabtay gobolka aan sidaa uga fogayn ee Arkansas ee isla Maraykanka, iyadoo loo haysto inuu xaaskiisii khaarajiyay.

Booliiska magaalada West Memphis, Arkansas ayaa sheegay inay qabteen Mohamud Abdikadir, 21 jir, deeto markii ay booliisku waraysteen wuxuu sheegay inay dhici karto inay xaaskiisu ku dhex dhimatay gurigooda Kentucky.

Booliiska magaalada Henderson, Kentucky oo tegey gurigii uu sheegay ayaa soo helay maydka xaaskiisii Chloe Abdikadir, 20 jir.

Kaaga darane maydka ayaa laga helay armaajada dheer ee dharka, waxaana markii maydka baaris lagu sameeyay soo baxday inay u dhimatay jug kaga dhacday qaybta dambe ee madaxa iyo qoorta, sida laga soo xigtey WFIE.

Wiilkan oo Soomaali ah ayaa haatan lagu hayaa caddayn jireed, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo gobolkii uu kasoo cararay ee Kentucky.

Xaaska uu diley ee Chloe ayaa la sheegay inay u haysey cunug yar oo 9-bilood jir ah, kaasoo uu lasoo cararay Cabdulqaadir, cunugga ayaa iminka u gacan galay Waaxda Adeegyada Dadka ugu qaybsan gobolka Arkansas ee Department of Human Services (DHS).

Hadalsame Media