Sucuudiga oo bilaabay dhismaha magaalo ka wayn New York (Ujeedka & inta ku baxaysa)

0

(Riyaad) 25 Maarso 2019 – Saudi Arabia waa dala dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, balse qiimaha saliidda ee sii hoobanaya ayaa dood gelinaysa inuu xitaa dal ahaan isu bixin karo mustaqbalka.

Haddaba dowladda Saudi Arabia oo arrintaa ka duuleysa ayaa hindistey mashruuc  maalgelineed oo sare u qaadi kara dhaqaalaha dalkaasi: waxaa ku baxaysa $500 bilyan oo doollar, taasoo lagu dhisayo magaalo wayn oo isku xireeysa Urdun iyo Masar, taasoo gebi ahaanba lagu dabeeynayo tamarta la cusboonaysiin karo (renewable energy).

Si aad u fahamto qarada magaaladan, 10,230 mayl oo jibbaaran waxay 33 jeer ka wayn tahay dhulka ay ku fadhiso magaalada wayn ee New York City.

Saudi Arabia ayaa doonaya inuu magaaladan kula tartamo Dubai, si uu usoo saaro ilo kale oo dhaqaale oo aan saliidda ahayn, waxaana mashruucan oo lagu magacaabo NEOM qaybtiisa 1-aad la dhamaystirayaa 2025.

Hadalsame Media