DAAWO: Somaliland xuquuq dastuuri ah ma u leedahay inay baacsato ama xirto weriye Coldoon?

0

(Burco) 25 Maarso 2019 – Waxaa soconaya qorshe uu maamulka Somaliland ku baacsanayo gayfanaha Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah weriyayaasha Soomaaliyeed.

Haddaba, xilli ay socdaan dad badan oo u xiran afkaarohooda uu dastuurka isla maamulkaasi xaqa u siinayo ayaa waxaa barnaamij laga sameeyay umuurtaasi oo lagusoo qaatay barnaamij la magac baxay ”Qarreenka Qaranka.”

Tusaale ahaan, Fakhradda 1-aad ee Qodobka 32-aad ee Dastuurka Somaliland ayaa marka la eego Xorriyadda Hadalka dhigaya sidatan: ”Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa kusoo bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan, ama qaab kastoo kale oo xeerka waafaqsan.”

Isla Qodobka 32-aad fakhraddiisa 3-aad ayaa si cad u qeexaya inay warbaahintu ka mid tahay wasiilooyinka asaasiga ah ee dhiibashada ra’yi xor ah.

Coldoon ayaa horay xabsi ugu galay maamulka Somaliland oo ku andacoodey inuu ku kacay ”falal ka dhan ah qarannimada Somaliland” sida ay u dhigeen.

Halkan hoose ka daawo barnaamijkaasi…

Hadalsame Media