Hoggaamiyeyaasha siyaasadda, dhaqanka, ciidamada & ganacsiga caalamka wax baa laga kororsadaa balse Somalia dhankaa waa ku qadday! (Sabab?)

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2019 – Hogaamiyaasha siyaasadda, dhaqanka, gacansiga ama ciidamadu waddan walba waxey u yihiin tusaale bulsho. Waxey noqdaan kuwo lagu daydo, xikmadahooda la isticmaalo, falsafadooda la dabaqo, oo qarniyo badan tixnaan kara iyagoo aan nooleyn, balse nasiib daro Soomaaliya xiligaan la joogo qofna kuma dhiiranaayo inuu min-guuriyo dhinacyadaas sababtoo ah.

1 – Siyaasigu waa beenloow, faan badan, qabiili ah, musuq badan, siyaasada u arka ganacsi, ereyada uu isticmaalo soo xaday, masuuliyad aqoonin, wax cusub aan curin karin, oo aaney hibo hogaamineed ka muuqan sidaa darteed wax looga daydo, laga xigto ama isaga kadib la dhaqan galiyo maleh.

2 – Ganacsaduhu waa ribo kunool, wax dhacay ayuu iibiya, aragtidiisu waa wadan hebel ayaan kusoo arkay waxan, shaqo abuurkiisu waa qabiilkee tahay, canshuur bixintu waxey la tahay xaaraan, fikirkiisu waa sidee maskiinka u dhacdaa sidaa darted ma heysto wax taariikhda gala oo dhigaal ah, oo berri looga deyn karo.

3 – Dhaqanku subax walba waa colaad ka-talis, subax xigana isla coladii uu kiciyay ayuu rabaa inuu daminteeda lacag ku qaato, tolkiisa uma cadaalad fali karo oo hadba kii xoolo heysta ayuu xigsada, taladiisa ma casriyeyn karo oo waa awoowgey ayaa 5 qarni ka hor sidaan sameyn jiray, saldanada tolkiisa ayuu xoolo kaga dhacaa.

4 – Madaxda ciidamadu waxey heystaan darajo aan loo rafaadin, badankood aaney u qalmin, siyaasada ayey ku milan-yihiin, aragti badbaado bulsho ah ma hayaan, garaamka ciidanka ayey xadaan, xilka ay hayaana xisaab qabiil ayey ku heleen, sidaa darteed kuwa doonaya berri inay askar noqdaan tusaale wanaagsan ma heystaan.

Sababta ugu wayn ee ay xirfadahaa oo dhami u mira dhali la’yihiin waa xirfado ay hayaan dad aan aqoon iyo khibrad u lahayd (profesion without profesional), mudnaanna laguma qabto. Hadaba dhaxalka Soomaaliya ee afartaas dhinac muxuu noqon doonaa?

W/Q: Cabdullaahi Cisman Faarax

Hadalsame Media