Hay’ad sheegtay inay kumannaan miino ah ka saartay Somaliland

0

(Hargaysa) 25 Maarso 2019 – Hey’adda HALO TRUST ee ka shaqeysa arimaha miino saarka ayaa sheegtay in qatarta miinooyinka ay ka dhamaan doonaan Somaliland bartamaha sanadkan 2019.

Halo trust waxa ay tilmaantay in ay dhulka ka soo saartay isla markaana burburisay 4,570 oo ah nooca miinooyinka wax haliga ee ciida lagu aaso.

Sidoo kale waxaa ay heyadu tibaaxday in ay soo burburiyeen 33,100 oo ah gumaca madaafiicda ee aan weli qarxin kaas oo khatar badan keeni kara.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid xaqiijineysa in 51,000 oo qof oo ku nool dhulka miinada laga saaray ay hada ka amaan gelayaan waxyeellada banbaanooyinka laayaanka ah islmarkaana la furay surimo ay isticmaalaan dad gaaraya 60,000 kuwaas oo horay looga maagey miinooyinka dartood.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media