FAALLO: Askari iskii awaamiir usoo saaraya askari maaha!! (Siyaasad & ciidannimo isma galaan)

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2019 – Ilaaheey amarkiis Muqdisho xaafadaheeda hadaad dhex qaado guri kasta oo uu mid wax isbidaya degan yahay waxaa hor dhooban Ciidamo, Gaari kasta oo mid kuwaas oo kale ahi uu watana waxaa dabada ka saaran ugu yaraan 15 Wiil oo gashan Tuuta nooc walba leh waxeyna mushaar bixinta u xaadiraan xeryaha Ciidamada dowladana waxba uma qabtaan.

Misna Ragaas ay ciidamadaani guryaha iyo naftooda waardiyeeyaan ayaa laga kari la’yahay Ciidanka ama Ciidan dowlada u shaqeeya oo xuquuq ku leh ha noqdaan ama kuwa idinka idiin shaqeeya oo aad Mushaarkooda bixisaan ha noqdaan.!! Iyadoo hadii ay nidaamka raacaan ay dowladdana waajib ku tahay iney Ciidamo gaar u ah ilaalada Madaxda ay masuulka kasta siiso tiro lagu ogyahay mushaarkoodana ka qaata dowlada.!!

Dhanka kale Rag iyo Hablo badan oo Soomaaliya Ceyr ka qaata (Shaqaale dowladeed ka ah) dalal kaloo dibaddaha ah oo ay ku nool yihiina masruuf kale ka qaata ama Labo mushaarle ah oo ah Wasiir/Xildhibaan ku qaata, ayaa Ciidankii ku dhaliilaya inay jiraan Askar labo mushaar qaadata.!!!

Markaasaa Ciidanka oo awel ahaa kuwa ka madax banaan Siyaasaddan jahwareersan ee Soomaaliya ka jirta kana mashquulsanaa ayaa iminka loo soo weeciyay markaaseey iyaguna gaareen iney qaarkood digniino soo saaraan kuwana shuruudo ku xiraan iney difaacyadoodii ku laabtaan,Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Gabagabadii waxaan kula talin lahaa Madaxda Sare ee Dalku inay Arimaha Ciidamada si dhab ah ugu dhabo gasho una dhegeysato cabashadooda islamarkaana si degdeg ah wax uga qabato,Ciidamadana waxaan oran lahaa waxaad tihiin Ciidan Qaran ee u tura dowladiina una hogaansama awaamiirteeda oo xasuusnaada inaad u dhaarateen Dalka inaad u hureysaan naftiina oo wax idinkaga qaalisani aaney jirin.

Waa muhim in askariga xaqiisa la siiyo oo taa waa inaysan dood ka imanin, balse askari waa midkii lahaada hab-raac adag isla markaana muujiyo anshax iyo dishibiliinkii ciidan lahaan jirey oo ku shaqayn jirey kala sarrayn iyo nidaam.

Haddii kale, WAXAAD MAANTA BI’ISAAN, BIRI HA U SHALAAYINA.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media