DEG DEG: Trump oo Golan Heights u aqoonsaday qayb Israel ka tirsan

0

(Washington, DC) 25 Maarso 2019 – Sidii aan horay usii sheegbayba MW Donald Trump ayaa saxiixay wareegto uu Golan Heights ugu aqoonsanayo qayb “rasmi” ahaan ka mid ah Israel.

Trump ayaa go’aankan madaxa ugu wayneeyay RW Benjamin Netanyahu oo sheegay in aan dalkiisu marna ka tanaasuli doonin Golan Heights, oo Suuriya uga qabsadeen Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda 1967-kii.

Wareegtadan ayaa rumaynaysa war uu Trump Twitter kusoo qoray 21-kii Maarso kaasoo uu ku sheegay in sida uu yiri “la gaarey xilligii si buuxda Golan loogu aqoonsan lahaa Israel”, iyadoo uu Netanyahu kaarkan u adeegsanayo doorashada 9-ka Abriil.

Israel ayaa 3 meelood oo 2 meel ka haysata buuraleeyda Golan Heights, iyadoo 1981-kii ku dhawaaqday inay dhulkaa Suuriya ka goosatay, balse waxaa diidey QM oo kasoo saartay qaraarkii 497 iyo Beesha Caalamka, iyadoo loo cuskanayo Xeerka Caalamiga ah oo sharci darro ka dhigaya in dal soo duuley uu xeerarkiisa ka hirgeliyo dhul uu xoog ku qabsaday.

Israel iyo Suuriya ayaa marar badan ka wada hadlay heshiis nabadeed oo ay ku jirto in buuralaydaa loo celiyo Suuriya, balse Yuhuuddu waa diidey.

Hadalsame Media