CC SHAKUUR oo si qayaxan uga been sheegay moowqifka Soomaaliya ee maqaamka QUDDUS (Dokumentiyo caddayn ah)

0

(Geneva) 25 Maarso 2019 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu wax ka ogaa go’aankii ay Danjiraha Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi Insaaniya, uga aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka sare ee Golan Heights oo Syria laga qabsaday 1967-kii.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Farmaajo ku eedeeyey inuu safiirkiisa Soomaaliya ee QM, Abuukar Baalle sida uu yiri ku cadaadiyey inuu ka aamuso qaraarkii lagu cambaareeyey go’aankii Donald Trump uu dabayaaqadii sanaddii 2017 magaalada Quddus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Qoraal uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan: “Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyadda go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.”

Yeelkeede, sidii aannu horayba ugu qornay Hadalsame Media, Soomaaliya kama aamusin qaraarkii maqaamka Qudus, gaar ahaan bariga magaaladaasi iyo guud ahaanba haysiga dhulka Falastiin, waxay kaloo Soomaaliya cambaaraysay degaamaysiga Israel ee dhulalka ay Carabta ka haysato oo ay ku jirto Golan Heights.

Soomaaliya waxay kaliya ka aamustay qaraar cambaaraynayay haysiga Israel ee Golan Heights, taasoo dabcan ah arrin siyaasad lagu wareersan yahay markii la eego moowqifka guud ee siyaasad dibadeedka Soomaaliya tan iyo xorriyaddii, balse Soomaaliya marna kama aamusin Quddus iyo Falastiin.

Dhanka kale, sida lagu qoray Caasimadda Online, Soomaaliya ayaa ka mid ahayd 128 dal oo taageeray qaraarka, oo ay soo diyaariyeen Turkey iyo Yemen. Waxaa qaraarkaas diiday 9 waddan, halka 35 ay ka aamuseen, sida ku cad diiwaanka QM. Bogga 18-aad ee  dokumentiga QM ee halkan ku lifaaqan ayaad ka heli kartaa sida dalalka u kala codeeyeen.

Ka sokow codeynta, Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay mowqifkeeda, waxaana go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda ay ku qeexday “Mid halis ah”

Qoraal waqtigaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa dowladda Mareykanka inay si dhab ah dib uga fiirsato halista go’aankeeda uu ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan dunida”

Waxay sidoo kale ka codsatay dalalka Carabta iyo Islaamka inay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda arrimaha Falastiin.

“Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay dadka Falastiin ka taageeraan halganka ay ugu jiraan xuquuqdooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalsame Media