Wararkii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka Kenya (Digniin xeebaha khuseeysa oo wax iska bedeleen)

0

(Nairobi) 24 Maarso 2019 – Dhul gariir aan sidaa u qara waynayn ayaa laga soo sheegayaa dhowr degmo oo dalka Kenya ah, sida ay xaqiijisay waaxda Saadaasha Hawada Kenya.

Dhul gariirkan ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Nairobi, Kiambu, Machakos, Mombasa, Nyeri, Makueni iyo qaybo ka mid ah Naivasha iyadoo la sheegay in Taita Taveta ay tahay xudunta dhul gariirkan oo gaaraya 4.8 cabbirka richter-ka.

Hay’adda Saadaasha Hawada ayaa sidoo kale sheegtay inaysan jirin cabsi laga qabo Sunaami (Tsunami) ka dhaca xeebaha, iyagoo meesha ka saaray digniin hore oo ahayd inay dadku u baxaan meelaha sare.

Magaalada Nairobi, dad badan ayaa baraha bulshada uga hadlay ruxan ay guryohooda ka dareemeen, balse wax burbur ah oo baahsan lama soo werin ilaa iminka.

Hadalsame Media