Ruushka oo dayuurado ciidan sida Venezuela ka dejiyay (Washington oo uu waagu ku baryey)

0

(Caracas) 24 Maarso 2019 – Laba dayuuradood oo Ruushku leeyahay ayaa caga dhigtay gegada wayn ee magaalada Caracas ee caasimadda Venezuela, taasoo sidda saraakiil ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka iyo ilaa 100 askari, si loo taageero dowladda Caracas.

Web duullimaadyada tirakoob ayaa muujinaya inay labada dayuuradood ka duuleen dalka Ruushka, iyadoo ay midi duushay Jimcihii, halka ay tan kale tagtay isla galabta.

Arrintan ayaa imanaysa 3 bilood uun kaddib markii ay labada dal layli iyo dhoolla-tus millateri ku qabteen ciidda Venezuela, taasoo uu madaxwayne Nicolas Maduro oo iminka cadaadis ba’an kala kulmaya Galbeedku uu ku tilmaamay astaan muujinaysa xiriirka kobcaya ee labada dal.

Weriyaha Javier Mayorca ayaa Twitter kusoo qoray in dayuuradda 1-aad ay siddey dad uu ku jiro Vasily Tonkoshkurov, oo ah abaanduulka ciidamada lugta Ruushanka, halka dayuuradda labaad oo ahayd nooca xamuulku ay siddey 35 tan oo agab ciidan ah.

Labada dayuuradood oo kala ah Ilyushin IL-62 oo rakaabka qaadda iyo Antonov AN-124 oo xamuulka qaadda ayaa kasoo duulay garoonka ciidan ee Chkalovsky, iyagoo soo istaagey dalka Suuriya, sida ku cad webka duullimaayada raadiya ee Flightradar24.

Washington ayaa arrintan u arkaysa is ballaarin iyo saamayn cusub oo uu Ruushka, oo horay Suuriya u joogey, lasoo baxayo, iyadoo ay dad badani u arkaan Dagaalkii Qaboobaa oo si tartiib tartiib ah usoo laabanaya.

Hadalsame Media

Facebook Comments