Maxaa loo tiray Twitter-kii Kenyatta? (Laba su’aal oo ka taagan)

0

(Nairobi) 23 Maarso 2019 – Koontooyinkii baraha bulshada ee MW Kenya ee Uhuru Kenyatta, sida Twitter iyo Facebook ayaa Jimcihii la tiray, wax ay Madaxtooyadu ku sheegtay natiijo ka dhalatay ‘gelitaan aan rukhsad haysan.’

Xirista koontooyinkan ayaa dad badan la yaab ku noqotay, maadaama ay kusoo beegantahay saacad uun kaddib mar lagu soo qoray inaan cidna lagu cafin doonin dagaalka musuqa.

“Haddii aad musuqi tahay waannu kula dagaallamaynaa. Waxaad noqon kartaa walaalkay, walaashay ama saaxiibka iigu dhow siyaasadda. Ima celin doonaan dhalasho iyo qiyamka qofka, si aan uga tago qaran midaysan oo Kenya yeelato.” ayuu u dhignaa war lagu qoray Twitter-ka.

Nzioka Waita, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa deeto sheegay in koontooyinkaa oo isu gayn ahaan ay raacaan 7 milyan oo qof si KMG ah “loo xayiray.”

Haddaba, laba su’aalood oo waawayn ayaa ka dhashay arrintan midi waxay tahay in warkani aanu u dhahnayn MW Kenyatta ee uu qof aan loogu tala gelin kusoo qoray, ama in uu u dhahan yahay, balse kaddib ay jabsadeen qolo aan la dhicin warkan, maadaama uu musuqu ka mid yahay nolol maalmeedka siyaasadda KENYA.

Hadalsame Media