Maraykanka oo amaan kala dul dhacay Komaandooska Somalia & tiradooda oo la kordhinayo + Sawirro

0

(Ballidoogle) 23 Maarso 2019 – Saldhigga Ciidamada Maraykanka Afrika ee U.S. Africa Command ayaa dhisaya ciidamo khaas ah oo Komaandoos ah oo ay Somalia yeelato.

Ciidamadan oo noqday kuwo aad uga qayb qaata howlgallada gaarka ah ee uu Maraykanku Somalia ka fuliyo iyo kuwo kale ayaa iminka la kordhinayaa.

Intii lagu jirey booqashadiisii Somalia todobaadkan, Gen. Thomas Waldhauser, oo ah abaanduulka AFRICA COMMAND ayaa wada xaajood uu la yeeshay hoggaanka Somalia waxaa gundhig u ahaa horumarka ay sameeyeen ciidamada Komaandooska Somalia gaar ahaan guutada lugta ee Danab (Lightning) Advanced Infantry Brigade, sida ay sheegeen ciidamadu.

Ciidamadan sida aadka ah u tababaran ee Danab Commando ayaa unugyo lagu bilaabay dhowr sanadood kahor, waxaana ujeedku ahaa in ay tiradoodu noqoto hal batalyan, balse haatan waxaa la gaarsiinayaa guuto dhan oo 3,000 oo askari ah, kuwaasoo lagu kala dari doono 6 qaybood oo ka tirsan ciidamada xoogga SNA, sida kasoo baxday AFRICOM.

Guutada Danab ayaa waxaa saldhiggeeda ugu wayni 70 mayl koongur galbeed kaga beegan yahay Muqdisho, waana saldhiggii Ciidamadii Cirka Somalia ee Ballidoogle, halkaasoo uu Maraykanku ka dhisayo saldhig ay ka duuli karaan ciidamada waawayn.

AFRICOM ma sheegin goorta ay ciidamadu guuto gaari doonaan iyo khusuusiyaad kale, sababo la xiriira siraha ciidan.

Hadalsame Media