ITALY VS FINLAND: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Udine) 23 Maarso 2019 – Waxaa caawa gegada Friuli ee magaalada Udinese ku ballansan labada xul ee Talyaaniga iyo Finlad oo dheelaya ciyaar bilowga isreebreebka Euro20, oo ay ku wada jiraan Guruubka J

Dhanka Italy: Mancini ayaa waxaa ka maqan Chiesa iyo Florenzi, oo labaduba dhaawacan. Weerarka waxaa boos helaya muluqa madoow ee Kean, waxaana weerarka ku wehlinaya  Immobile iyo Bernardeshci. Waxaa gadaal kasoo geli kara qannaaska qawaarka ah ee Quagliarella. Piccini waa dadabka midig.

Dhanka Finlad: Macallin Kanerva wuxuu dheelayaa shaxda soo jireenka ah ee 4-4-2, waxaana weerarka hor kacaya Hamalainen iyo Pukki. Waxaa ka maqan Vronen, Raitala iyo Tuominen.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • SIRIGU, PERIN, ROMAGNOLI, SPINAZZOLA, IZZO, CRISTANTE, GRIFO, ZANIOLO, POLITANO, QUAGLIARELLA, PAVOLETTI, LASAGNA
  • JAAKKOLA, JORONEN, VAISANEN, LAM, MOREN, SCHULLER, TAYLOR, JENSEN, FORSEL, KAUKO, KARJALAINEN, LAPPALAINEN

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Florenzi, Chiesa
  • Vronen, Raitala, Tuominen

Hadalsame Media