DF Somalia oo markale iclaamisay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada, sida ay faafisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay Tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in meleeshiyaadka argagaxisada ah looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dalka ayaa dhamaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed maalkooda iyo gayiga Soomaaliya guud ahaan ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu soo afjaro ficillada gurraca ee kooxaha nabad-diidka ah ay ku diidanyihiin horumarka dalka.

DF Somalia ayaa marar badan horay ugu baaqday dagaallo ay sheegtay inay dalka uga xoraynayso kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab oo dhibaato ba’an shacabka ku haysa.

Hadalsame Media