DF Somalia oo cambaarayn ba’an kala kulantay tacsi ay Ciraaq u dirtay (Arag jawaabaha dadwaynaha)

0

DF Somalia ayaa tacsi u dirtay dalka Ciraaq, halkaasoo ay ku dhinteen dad ilaa 100 qofood gaaraya oo ay la gaddoontey dooni nooca tamashlaha ah oo ay saarnaayeen.

War dhowaan kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa u dhignaa sidatan: ”Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Xukuumadda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso.”

”Somalia waxa ay caddaynaysaa inay si dhamaystiran u garabjoogto Ciraaq si ay uga gudubto dhibtani weyn ee ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 ruux oo u badan haween iyo caruur, waxa ayna Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaysaa inuu naxariistiisa hugiyo kuwa geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna si deg deg leh u bogsiiyo.”

Markii ay halkaa mareeyso ayaa waxaa farriintaa tacsida ah ku fatahey boqollaal Soomaali ah oo DF Somalia ku dhaliilay inay teedii gabtay, balse ay mid kale u taagan tahay, iyagoo ku eedeeyay inaysan garanayn waajibka 1-aad ee saaran.

Hoos ka akhri farriimaha….

Hadalsame Media