DEG DEG: Somalia oo u yeertey danjireheeda Switzerland (Sabab la xiriirta ka aamusidda qaraarkii Golan?)

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka.

Arrintan ayaa u muuqata mid daba socota Somalia oo si lama filaan ah uga aamustay inay u codeeyaan qaraar lagu cambaaraynayay dhulka ay Israel ka haysato Suuriya ee Golan Heights.

Somalia ayaase taageertay laba qaraar oo kale sida: xuquuqda ay Falastiin u leedahay inay aayeheeda ka taliso iyo mid kale oo lagu cambaareeyay degaamaysiga dhulalka Falastiin laga haysto, kuwaasoo ay ku jirto Quddusta Bari iyo dhulka Suuriya laga haysto ee Golan Heights.

Go’aanka ka aamusidda ayaa ka horjeeda moowqifka guud ee siyaasadda arrimaha dibedda ee ay Somalia ku socotey tan iyo xornimadii.

Waxaan kaloo la ogayn sababta ay Somalia uga aamustay in la cambaareeyo haysiga Israel ee Golan, haddiiba ay ka qayb gashay cambaaraynta ku aaddan inay degaamayso iyo qiimaha diblomaasiyadeed ee ay dhaafsatay.

Waxaa jirta saansaan muujinaysa inay Isarel haatan u malabsanayso in ay gebi ahaanba qaramaysato dhulka sare ee Golan oo Suuriya kaga qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Hadalsame Media