ARRIN UGUB AH: Somalia oo markii ugu horreeysey taariikhda ka AAMUSTAY qaraar cambaaraynaya Israel

0

(Geneva) 23 Maarso 2019 – Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa shalay u codeeyay qaraar cambaaraynaya dhulka ay Israel haysato ee Golan Heights iyadoo lagu boorriyay inay adeecdo qaraarada QM.

Dhamaan dalalka Midowga Yurub ayaa qaraarkan ka hor jeestey, sidoo kale Australia, Austria, Brazil, Bulgaria, Croatia, Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo, Ukraine iyo UK ayaa ka hor jeestey.

Yeelkeede, waloow ay reer Galbeedka oo dhami ka horjeesteen qaraarkan ayaa ku meer maray aqlabiyad dhan 26 haa 16 diidmo.

Waxaa la yaab lahayd in Somalia ay ka mid ahayd 5 dal oo ka aamusay inay codeeyaan, kuwaasoo ay sidoo kale ku jireen Cameroon, Democratic Republic of Congo, Fiji iyo Rwanda.

Somalia ayaase taageertay laba qaraar oo kale sida: xuquuqda ay Falastiin u leedahay inay aayeheeda ka taliso iyo mid kale oo lagu cambaareeyay degaamaysiga dhulalka Falastiin laga haysto, kuwaasoo ay ku jirto Quddusta Bari iyo dhulka Suuriya laga haysto ee Golan Heights.

Go’aanka ka aamusidda ayaa ka horjeeda moowqifka guud ee siyaasadda arrimaha dibedda ee ay Somalia ku socotey tan iyo xornimadii.

Waxaan kaloo la ogayn sababta ay Somalia uga aamustay in la cambaareeyo haysiga Israel ee Golan, haddiiba ay ka qayb gashay cambaaraynta ku aaddan inay degaamayso iyo qiimaha diblomaasiyadeed ee ay dhaafsatay.

Waxaa jirta saansaan muujinaysa inay Isarel haatan u malabsanayso in ay gebi ahaanba qaramaysato dhulka sare ee Golan oo Suuriya kaga qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Hadalsame Media