RW New Zealand oo soo xigatey xadiiskii Nabi Muxamed (NNKH)

0

(Christchurch) 22 Maarso 2019 – “Waxaan nahay mid,” RW New Zealand ee Jacinda Ardern ayaa ugu niyad qaboojisey dadkii maanta iskugu soo baxay salaadda jimcaha jardiino u dhow masjidka Noor ee magaalada Christchurch.

Adern ayaa soo qaadatay xadiis laga weriyay Nabigeenna Muxamed (NNKH) kaasoo ay kusoo dartay khudbad kooban oo ay u jeedisey jameecadii salaadda Jimcaha iyo dad badan oo aan Muslim ahayn oo goobta joogey, si hiillo niyadeed loogu muujiyo Muslimiinta oo loo gaystey weerar argagixiso, Jimcihii tegey.

Ardern ayaa 20,000 oo qof oo taagnaa beerta lagu nasto ee Hagley Park, oo ka hor jeedda isla masjidka Al Noor kala qayb gashay isu soo bax niyad dhis iyo samirsiin ahaa.

“Isu damqashada iyo naxariista ka dhexeeysa mu’miniintu waa sida jir qura. Markii ay xanuunsato xubin jirka ka mid ah, jirkoo dhan baa xanuunka dareemaya,” ayay tiri Ardern oo soo xiganaysa xadiiska caanka ah ee Nabi Muxamed (NNKH).

“New Zealand way idinla barooranaysaa; waxaan nahay mid,” ayay kusoo afjartay warkeeda oo gaabnaa balse saamayn lahaa, kaasoo ay xigtey laba daqiiqo oo aamus ahaa.

Adern ayay dad badani ku amaaneen sida ay u wajahdey weerarka argagixiso ee ka dhacay dalkeeda, iyadoo baabi’isay sharcigii qoryaha darandoorriga u dhaca, isla markaana hiillo nooc kasta ah u muujisay Muslimiinta, iyadoo wejigeeda laga dheehan karo inay ka xanuunsatay wixii dhacay.

Hadalsame Media