Qoraal lagu buufiyay masjid ay leeyihiin Soomaalida Minneapolis oo laga bixiyay fasiraad NAXDIN leh!

0

(Minneapolis, MIN) 22 Maarso 2019 – Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan  gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd.

Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata.

Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baaritaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan.

Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray.

Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45”

Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baaritaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay.

Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin.

Inkastoo fasirkaan uusan baaritaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah.

Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah.

Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida   “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka.

Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta.

Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media