SAWIRRO: ”Orod oo baarlamankaaga ku noqo haddii ay cod ku diidaanna qorshe la imoow!” May oo lagu bahdiley shirka EU, jeer lagu khasbay inay kaligeed cuntayso!

0

(Brussels) 22 Maarso 2019 – Theresa May oo lagu bahdiley kulankii ay xalay la yeelatay madaxda Midowga Yurub ayaa loo qabtay 2 todobaad oo qura, si ay xildhibaannadeeda cod uga hesho inay ansixiyaan heshiiska kala bixitaanka, jeer ay u muuqatey qof ka ”meermeeraysa jawaab toos ah ama jahawareersan”, sida lagu qoray DM.

Britain ayaa iminka Yurub kasii mid ahaanaysa ugu badnaan wax aan bil dhamayn kaddib kulankii xalay ee Brussels oo laba todobaad lagu kordhiyay xilliga furitaanka, balse waxaa May laga diidey codsi ahaa in waqtiga loo kordhiyo oo la gaarsiiyo ilaa Juun 30, taasoo ah 3 bilood.

Waxaa taa bidaalkeeda xilliga dhaqan gelinta Qodobka 50-aad laga dhigay Maajo 22 – taasina waxay kaliya dhacaysaa haddii ay May baarlamanka cod uga hesho heshiiskeedii horay loo diidey.

Balse waxaa loosii sheegay in haddii heshiiskaasi laga diido todobaadka soo aaddan, ay waajib ku noqonayso inay Abriil 12 go’aansato waxa xiga ee ay samayn doonto – muddo 3 todobaad gudohood ah.

Theresa May ayaa sidaa darteed farriimo qoraal ah u kala dirtay madaxda EU iyadoo u sheegtay inay London ku guryo noqonayso si ay ugu ololeeyso in heshiiskeeda kala bixitaanka loo meel mariyo, waxayna sidaa ku seegtay maalintii 2-aad ee kulan madaxeedka Brussels.

Ilo ku sugan gudaha shirka ayaa sheegaya in madaxda EU ay la yaabeen dooddii Brexit ee xalay oo lagu tilmaamay ’90 daqiiqo oo maran’ waayo Mrs May ayaa u muuqatey ‘qof jawaabaha ka meermeeraysa, wax qorshe ah aan la gole iman, ama xitaa ku jahawareersan wax ay samayso’ markii la waydiiyay waxa ay yeeli doonto haddii heshiiskeeda markale la diido.

Mid ka mid RW shirka ka qayb galay ayaa kaaliyihiisa ku yiri: ‘Waxa qura ee halkan ka cadi waa inaysan wax qorshe ah haynin.’

Waxaa dheer Mrs May ayaa laga soo saaray cashadii Midowga Yurub, iyadoo lagu wargeliyay inay kaligeed casheeyso, inta ay madaxda EU ka tashanayeen muddo kordhinta 3-da bilood ah ee ay wadatey, taasoo markii dambena laga diidey oo 2 todobaad lagu koobay.

Britain ayaa jahawareer dhaqaale geli karta haddii ay Yurub ka baxdo heshiis la’aan, iyadoo ay adkaanayso in badeecooyinka ka yimaada Yurub ee Dover mara ay dhib yaraan ku gudbaan, iyadoo marka laga soo tago canshuurta ay noqonayso in gawaarid mid mid loo baaro, iyagoo rukhso u baahnaan doona.

Hadalsame Media