DAAWO: Barnaamij ka bixi jirey Fox News oo dadka lagu xagxagan jirey oo Ilhaan Cumar darteed loo joojiyay!!

0

(New York) 22 Maarso 2019 – Bandhigga Judge Jeanine Pirro ayaan hawada soo gelin doonin sidii looga qorsheeyay hilinka xag-jirka ah ee Fox News, iyadoo mid kale lagu bedeley todobaadkii 2-aad oo xiriir ah, kaddib markii ay ku tiiqtiiqsatay in Ilhaan Cumar ay raacdo Shareecada Islaamka, balse aysan xeerin Dastuurka Maraykanka.

Barnaamijka Pirro oo la yiraahdo, ‘Justice with Judge Jeanine,’ ayaa horay Fox News uga baaqday Maaro 16, iyadoo lagu bedeley boorsamiindo uu leeyahay ‘Scandalous: oo uu wado Kennedy Smith,’ kaasoo iminka baxay waqtigii barnaamijka Pirro oo ahaa 9-ka subaxnimo Sabti dhanka waqtiga Xeebta Bari ee Maraykanka marka la eego jadwalka barnaamijyada Fox News.

Fox ayaan si rasmi ah u caddaynin in gebi ahaanba meesha laga saaray barnaamija iyo in meel kale la geeyay, isagoo yiri: ”Ka hadli mayno arrimaha hoose ee jadwallada barnaamijyadeenna.” mar uu la hadlayay The Hollywood Reporter.

Donald Trump oo ka mid ah dadka ay Pirro sida indha la’aanta ah u taageerto ayaa Fox News u jeediyay ‘inay dib usoo celiyaan’ Jeanine Pirro kaddib markii barnaamijkeedii lagu bedeley dokumenteri, kaddib markii ay sheegtay in xijaabka Ilhaan uu muujinayo inay raacdo Shareecada Islaamka, taasoo ka dhan ah xorriyadda diimaha kala duwan, sida uu qabo isla Datuurka Maraykanku.

Pirro oo asal ahaan kasoo jeedda dalka Lubnaan ayaa been ka sheegtay ujeedka Xijaabka oo ka dhigtay in haweenaydii aan qaadanin la taataabsanayo, taasoo ay ugu geftey haweenka Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Pirro ayaa sidoo kale ka been sheegtay dalalka ay ka hadashay Ilhaan Cumar, iyadoo barnaamijkeeda lasoo fariisatay in Ilhaan ay gaar usoo qaadatay Israel, balse Ilhaan ayaa ka hadashay dalal kale oo gobolka ah sida Iiraan, Yaman iyo Sucuudiga.

Hadalsame Media