XOG: Gattuso oo isbeddel wayn ku samaynaya safka & shaxda AC Milan (Arag safka cusub)

0

(Milano) 21 Maarso 2019 – Kaddib guuldarradii kulankii Derby della Madonnina, macallinka AC Milan oo canaan badan kala kulmay dhanka maamulka ayaa lagu wadaa inuu isbedel ku sameeyo shaxda iyo safka kooxda oo uu muddo diidanaa inuu wax ka bedelo.

Gattuso oo Sampdoria kulanka soo socda kaddib ciyaaraha caalamiga ah ee isreebreebka Euro2020, ayaa doonaya inuu ciyaartaa hirgeliyo isbedello dhowr ah.

Gattuso ayaa waloow markii hore la hadal hayey 4-3-1-2 ama 4-2-3-1 la sheegay inuu ku adkaysanayo shaxda 4-3-3, balse wax badan ayuu ka bedelayaa safka iyo qaabka garoon galka intaba.

Sida uu faafinayo Sportmediaset, wuxuu Gattuso ugu dambayn weerarka ku darayaa laacibka Paqueta oo uu awal dhexda ka dheelsiinayay, sidoo kale wuxuu nasinayaa Suso oo aan wax saamayn ah oo la taaban karo kooxda ku lahayn bilihii ugu dambeeyay, kaasoo uu booskiisa gelayo Castillejo oo ay isku dal yihiin.

Dhanka daafaca waxaa kusoo noqonaya Zapata oo dhaawac kasoo noqday, halka Conti uu ka cad cad yahay Calabria oo aan bandhiggiisu halis ahayn kulamadii ugu dambeeyay.

Hadalsame Media