”WAA U JEEDNAA!” Facebook oo qirtay inay shaqaalihiisu geli karaan koontooyinka ay dadku ka samaystaan!

0

(Menlo Park, CA) 21 Maarso 2019 – Facebook ayaa maanta oo Khamiis ah is fashilay kaddib markii uu sheegay in aanu si saaxi ah u dahaarin furayaal danabeedka (passwords) boqollaal milyan oo ka mid isticmaalayaasha Facebook, isagoo sheegay in qaab qoraal ahaana loogu kaydiyay database-ka shirkadda, taasoo ay arki karaan gelina karaan shaqaalaha Facebook.

Facebook ayaa sheegay in ay arrintan ku baraarugeen bishii Jannaayo oo ay dib u eegis dhanka amaanka ah sameeyeen, kaddibna ay baaritaan bilaabeen.

Facebook ma qayixin inta ay arrintu sidaa ahayd oo furayaasha dadka sidaa loo kaydinayay.

“Waxaan cadaynaynaa in furayaashani aanay marna u bandhigmin qof aan ahayn shaqaalaha Facebook mana hayno caddayn ku saabsan in qof naga tirsani ku tacaddiyay ama galay koonto qof,” ayuu yiri Pedro Canahuati, oo ah Madaxwayne Xigeenka Facebook oo maanta soo dhigay post uu cinwaan uga dhigay, “Keeping Passwords Secure.”

Hadalsame Media

Facebook Comments