WAR CUSUB: Ilhaan Cumar oo u ololaynaysa in DAROOGADA la fasoxo!

0

(Washington, DC) 20 Maarso 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ah gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreeysey ee abid ka mid noqoto guud ahaanba labada aqal ee Koongarayska Maraykanka ayaa ka mid ah dhallinyaro cusub oo is beddel doon ah.

Ilhaan Cumar oo waxyaabaha ay iyada ay saaxiibadeed cayrsanayaan ay ku jiraan in wax laga bedelo oo la wanaajiyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, daymaha ardayda, cimilada iyo kaalmada dadka faqriga ah ayaa soo jeedisey in la fasaxo daroogada qaarkeed, gaar ahaan nooca Marijuana.

Ilhaan oo ku cabatay in la dambaajiyo dadka Afrikaan Maraykanka ah, kuwa laga tirada badan yahay iyo dadka ab’ogaalka ah ee dhulka loogu yimid ayaa Twitter-keeda kusoo qortay sidatan:

”Ugu dambayn aan sharciyayni darooga marijuana isla markaana dhaqan celin iyo heshiis halloo sameeyo bulshada la daalaa dhacaysa daroogada iyo dagaallada.”


Dad badan ayaa ku dooda in haddii daroogada la fasoxo oo la canshuuro ay yaraynayso dembiyada daroogada la xiriira, isla markaana ay dowladdu dakhli badan ka heleeyso, iyadoo ay jiraan gobollo horraanba sharciyeeyay marijuana-ha, iyo dalal daroogadu fasax tahay, sida Holland.

Hadalsame Media