Maraykanka SALIID darteed Israel u siinaya dhul ay Suuriya leedahay!!

0

(Washington, DC) 20 Maarso 2019 – Washington ayaa todobaad tegey muujisay astaan kale oo uu maamulka Trump ugu sii dhowaanayo dhanka u aqoonsiga buuraleeyda Golan Heights qayb ka mid ah geyiga Israel.

Warbixintii sanadlaha ahayd ee xuquuqda aadanaha, Wasaarad Dibadeedka Maraykanku waxay buuraleeyda Golan ku sheegtay meel ayIsrael maamusho,” iyagoo bedeley magac bixintii caalamiga ahayd oo ahayd “meel ay Israeli haysato.” Bedelka magac bixintu waa muhim.

Buuraleedya Golan waa dhul ka tirsan Suuriya, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israel ayaa qabsatay qaybaha istaraatijiga ah ee soo eegaya Dooxada Urdun, intii uu soconayay Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii. Israel ayaa 1981-kii sheegatay inay dhulkaa si rasmi ah u qaramaysatay una goosatay, balse marna tillaabadaasi ma helin aqoonsi caalami ah.

Sidaa darteed, QM waxay dhulkaa ku qeexdaa tibixda ah “Golan-ta ay Israeli haysato” balse QM ma adeegsato eray bixinta “Israeli maamusho.

Buuraleeydan oo ay iminka Israel haysato muddo ku dhow 52 sanadood ayaa SALIID lagu sheegay, balse saliiddaa lama soo saari karo maadaama aanu dhulkani Israel sharciyan ka tirsanayn, sidaa daraadeed Washington ayaa iska dhaadhicisay in haddii ay dhulkaa u aqoonsato Israel, in ay sahlan tahay in la sahmiyo saliidda halkaa lagu sheegay.

Arrintan oo soo saaraysa laba wajiilaynta Washington oo 5 sano kahor Ruushka ku eedaynaysay inuu la noqday gobol uu asal ahaan isagu iska lahaa oo Krimea la yiraahdo ayaa waxaa Trump faa’iido gaar ah ka tusaya sharikaadka waawayn ee Maraykanka ee saliidda qoda, kuwaasoo wax kasta ka hormariya faa’iidada gaarka ah ee dhaqaale.

Hadalsame Media