Erdoğan oo xarigga ka jaray Carwada ugu wayn qaaradda Yurub + Sawirro

0

(Ankara) 20 Maarso 2019 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta xarigga ka jaray carwada ugu wayn qaaradda Yurub, oo uu ka furay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Erdoğan ayaa sheegay in carwada Wonderland Eurasia, oo sidoo kale loo yaqaan Ankapark, ay tahay wax ay Turkigu ku faanaan, iyadoo leh 12,000 ooo sheey oo ah waxyaabaha la raaco iyo wiifoowyo kala nooc ah.

Ku dhowaad 5 milyan oo iskugu jira booqdayaal maxalli ah iyo dalxiisayaal dibadeed ayaa la filayaa inay sanadkii booqdaan carwadan casriga ah.

Carwadan oo ay dhistay Dowladda Hoose ee Ankara Metropolitan Municipality ayaa ku fadhisa dhul gaaraya 1.3 milyan oo mitir oo dhan walba ah.

Waxaa carwadan ku tallaalan 2 milyan oo geedo ah oo kala sinji ah, iyo ilaa 6,800 meelood oo gawaarida la dhigan karo.

Hadalsame Media