Askarigu ma MUSHAHAR ayuu u dhintaa mise MABDA’ QARAN?

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2019 – Su’aashu waxay tahay askariga baneeyay goobtii uu cadawga ka ilaalinayay danta qaranka ma lagu aamini karaa?

Marka aad dhex xusho sharciyada ciidamada iyo asluubta askariga looga baahanyahay waxaa kuu soo baxaya in askartu tahay kuwa ugu sharciyo adag dhamaan shaqaalaha dowladda.

Askariga waxaa saaran waajib weyn oo ah in uu ilaalo ka yahay qaranka islamarkaana uu yahay astaan qaran.

Waxaa jira labo caqiido oo waaweyn oo dhamaan ay ka simanyihiin askarta dal kasta oo ay ka tirsan yihiin.

  1. Dhismaha jireed (physical), oo ah in askarigu uu jir ahaan diyaar u yahay in naftiisa uu u huro difaaca dadkiisa isaga oo aan ka baqeyn dhaawac ama dhimasho.
  2. Dishibiliin (Descipline). In askarigu diyaar u yahay qaadashada amarka madaxda islamarkaana u hogaansamo sharciyada dalka iyo anshaxa ciidanka isaga oo tusaale wanaagsan u noqonaya bulshada inteeda kale.

Hadaba askari ka soo baxay difaacii uu ku jiray cadawgiina qabsaday isla markaana saxaafada la hortaagan aflagaadada madaxdiisa danta qaranka ma lagu aamini karaa?

Tan micneheedu ma aha inaan difaacayo haddii ay jiraan khaladaad iyo daryeel la’aan laga tirsanayo dhanka dowladda, balse askarigu wuxuu laftiisu ka mid yahay dowladda, haddii uu cadowgii uu ilaalinayay soo daayana isaga iyo shacabka ayaa uga dhib badnaananaya madaxda uu moodayo inuu ku xumeenayo.

Marka askarigu ma mushahar ayuu u dhintaa mise mabda’? Waxaan qabaa inay daruuri tahay in la helo ciidamo uu WACYIGOODU garan karo culayska mas’uuliyadda saaran.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

Hadalsame Media