Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Balcad iyo ciidamada dowladda oo dib u qabsaday

0

(Balcad) 19 Maarso 2019 – Wararka laga helayo degmada Balcad oo qiyaastiii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa sida la sheegay waxaa urur Al-Shabaab u suuragashay inay qabsadaan qaybo badan oo ka tirsan degmada iyagoona ku guuleystay inay xabsiga Magaalada ka sii daayaan Maxaabiis badan.

Xarunta degmada ayaa la sheegay sidoo kale in Shabaabku qabsadeen waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Hirshabelle ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaan kaga yimid Al-Shabaab oo degmada kasoo galay labo jiho.

xaalada degmada Balcad ayaa hadda degan waxaana dib ugu soo laabtay dadkii ka carareen xalay fiidkii hore iyadoona la sheegayo in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay si iskood ah kaga baxeen degmada.

Ciidamada dowladda oo dib isu soo arruursaday ayaa la sheegay inay la wareegeen guud ahaan degmada.

Hadalsame Media